Macdanaha iyo Fiitamiinada waxa weeyi nafaqooyinka yaryar ee shaqada jidhka lagama maarmaan ka u ah, haddaba waa kuwan dhawr shay oo aan rabo ina aad ka xasuusnaatid nafaqooyinkan: 

  1. Macdaha iyo Fiitamiinada waxa la isku idhaahdaa nafaqooyinka yaryar taas oo loogu bixiyay iyaga oo la eegayo jidhka inta uu uga baahan yahay, marka la barbar dhigo carbohydrate ka, protien ka iyo fats kaba inta fiitaminka ama macdanta ah ee jidhku u baahan yahay way yartahay balse waa lagama maarmaan oo faaido badan ayay jidhka u leeyihiin.
  1. Faaidooyinkaas Waxa Kama Mid ah : 
  • Dhiif shiid ka ayay ka qayb qaataan : jidhkeenu cuntada aynu cuno burburin, dheefshiid ayuu ku sameeyaa kadibna jidhka ayaa nuuga si nafaqooyinkii ku jiray cuntada uu uga faaidaysan karo.

Habkaas dheefshiid ay ay cuntada marto dawr wayn ka ciyaara macdano iyo vitamino badan oo ay ka mid yihiin vitamin B, iyo macdanta oo yaqaan magnesium.

  • Caafimaadka Wadnaha : Fiitaminada iyo Macdanaha sidoo kale waxa ay caawiyaan caafimaadka wadnaha, waxana ay ka hortagaan caabuqa, shaqada wadnahana waa ay taageeraan.

          Fiitamiinadaas waxa ka mid ah vitamin A,E,C kuwaas oo cuntooyin badan laga                      

          helo.

          FQ: vitaminadan iyo macdanaha iska ilaali ina aad inbadan ka qaadatid adiga oon dhakhtarkaaga la tashan.

  • Caafimaadka lafaha : Macdanaha sida calcium ta, magnesium iyo phosphorus waxa ay muhiim u yihiin caafimaadka lafta, waxaa ay adkeeyaan lafta marka ay daciifka tahay awoodna way siiyaan sidaas daraadeed ayaad arkaysaa dadka marka ay waawaynaadeen ee ay bilaabaan ina ay jilbaha ka cawdaan ina dhakhtarkoodu siiyo kiniin calcium ah si taageero ah, sidoo kale baadhitaano badan ayaa cadeeyay ina jidhku vitamin D u baahan yahay si uu calcium ta u nuugo.
  1. Cuntooyinka laga helo fitaminada iyo macdanaha waxa ka mida : 
  • Hilibka 
  • Beerka 
  • Kalyaha 
  • Caanaha iyo waxyaalaha laga sameeyo 
  • Kaluunka 
  • Digaaga 
  • Lawska 
  • Khudaarta 
  1. Haddi ay kugu yaryihiin macdanaha qaar ama fiitaminada qaar jidhkaagu waxa uu ku tusayaa  calamado ka turjumaya mushkilada haysta, calamadaas waxa ka mid noqon kara:

 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.