Jidhka waxa uu u baahan yahay nafaqooyin badan, kuwaas oo shaqooyin kala duwan u qabta jidhka, Haddaba, Nafaqooyinkan hoos ku xusan waxa ay muhiim u yihiin dumarka waana lagama maarmaan ina jidhka uu helo xaddi ku filan. 

1. Iron (Feero)

    Macdanta Iron ta ama feero da faaidooyin badan ayay jidhka u leedahay oo ay ka mid yihiin: 

    • Waxa ay caawisaa soo saarista ama samaynta unugyada dhiiga. 
    • Qaadista iyo qaybinta oxygenta ayay caawisaa.
    • Waxa ay ka qayb qaadataa wareega dhiiga. 
    • Tayada hurdada kor ayay u qaada.
    • Daadashada timaha waa ay yaraysaa. 

    Cuntooyinka laga helo ironta:

    • Hilibka
    • Kulluunka 
    • Digaaga
    • Khudaarta cagaaran. 
    • Lawska iyo midhaha. 

    Xaddiga ironta ah ee gabadha maalintii u baahan tahay waxa weeyaan ilaa 18 mg. 

    2. Calcium 

      Calcium ta waxa ay xoojisaa lafaha, waxana ay ka hortagtaa yaraysaana lafo xanuunka. 

      Cuntooyinka laga helo calcium ta:

      • Caanaha 
      • Yogurt ka
      • Cheese ka 
      • Iyo khudaarta cagaaran. 

      Qiyaastii waxa dadka waaweyn u baahan yihiin ilaa 1000 mg oo calcium ah maalintii. 

      3. Vitamin C 

        Fitamin c waa nafaqo muhiim u ah: 

        • Bogsadka jidhka.
        • Nafaqaynta seedaha, maqaarka iyo unugyada. 
        • Fitamin c ga waxa uu caawiyaa nuugista Ironta. 

        Cuntooyinka laga helo Fitamin C  ga waxa ka mida:

        • Liin macaan ta.
        • Liin dhanaan ta.
        • Strawberry ga.
        • Broccoli ga.

        Dumarka waxa ay u baahan yihiin 75mg oo fitamin c ah maalintii. 

        4. Omega 3 iyo Fatty acid 

          Faaidooyinka Omega 3 ga waxa ka mida: 

          • Waxa uu kor u qaada caafimaadka maskaxda iyo wadnaha. 
          • Ilmaha uurka ku jira xubnaha muhiim ka ah ayay ilaalisaa.

          Cuntooyinka laga helo waxa ka mida: 

          • Kalluunka 
          • Flax seeds 
          • Chia seeds 
          • Lawsaska
          • Beedka 

          5. Protein 

            Protein ku waa qayb ka mid ah nafaqooyinka waawayn ee lagama maarmaan ka u ah jidhka, kuwaas oo oo qabta faaidooyin badan oo ay ka mid yihiin : 

            • Difaaca Jidhka 
            • Kaydinta Nafaqooyinka
            • Awooda (energy) baa laga helaa
            • Protienku gaadiid ayuu u noqdaa nafaqooyinka kale

            Cuntooyinkan hoos ku qoran ayaad ka heli kartaa protein: 

            • Hilib 
            • Digaag 
            • Kaluun 
            • Caano 
            • Beans 
            • Laws 
            • Beed 
            • Digir 
            • Yoghurt 
            • Cheese 

            6. Magnesium 

            Magnesium ka waxa uu kor u qaadaa tayada hurdada, caafimaadka lafaha, sidoo kale waxa uu yareeyaa casiraada xilliga uurka iyo murqo xanuunka. 

            Cuntooyinka laga helo magnesium ka:

            • Avocado 
            • Muus 
            • Blueberry 
            • Caanaha 
            • Chocolate ka madow 
            • Cambaha 
            • Lawska 
            • Harikooga. 

            7. Vitamin B12

            • Vitamin b12 waxa uu caawiyaa samaynta unugyada cas, waxana uu ka hortagaa dhiig yaraanta. 
            • Caafmaadka lafaha ayay kor u qaada. 
            • Waxa ay caawisaa maskaxda iyo xasuusta. 
            • Energy level ka ayay caawisaa.
            • Caafimaadka timaha, maqaarka iyo cidiyaha ayay kor u qaada. 

            Cuntooyinka laga helo waxa ka mida: 

            • Kalluunka 
            • Beedka 
            • Hilibka cas 
            • Digaaga
            • Caanaha

            8. Potassium 

            Faaidooyinka potassium ta jidhka u leedahay waxa ka mida: 

            • Potassium ta waxa ay isku dheeli tirtaa dheecaamada iyo dareeraha  jidhka.
            • Wareega dhiiga ayuu la shaqeeya.
            • Ururka murqaha ayay caawisaa. 
            • Garaaca wadnaha ayay cawisaa.

            Cuntooyinka laga helo: 

            • Avocado. 
            • Baradhada
            • Laws 
            • Flaxseeds 
            • Harikooga 
            • Liimaha 
            • Khudaarta cagaaran. 

            9. Fiber 

            Fiber ka ama cuntooyinka balka leh faaidooyin badan ayay jidhka u leeyihiin oo ay ka mid yihiin: 

            • Caafimaadka midhicirada iyo caloosha ayay kor u qaada. 
            • Cholesterol ka ayuu hoos u dhigaa. 
            • Sonkorta ayuu hoos u dhigaa.

            Cuntooyinka laga helo: 

            • Midhiha sida galayda, boorashka, iyo digirta.
            • Khudaarta.
            • Lawska.
            • Beans ka.

            10. Vitamin D 

            Faaidooyinka Vitamin D ga waxa ka mida: 

            • Lafaha ayuu adkeeya.
            • Waxa uu taageeraa korna u qaadaa difaaca jidhka. 
            • Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka murqaha.
            • Caafimaadka afka ayuu wanaajiyaa.

            Cuntooyinka laga helo: 

            • Kalluunka 
            • Beerka 
            • Beedka 
            • Boorashka 
            • Yoghurt 
            • Liimaha 
            • Caanaha.

            Akhris Dheeraad ah: Protiens Ka Maxaad Ka Taqaanaa?

            Facebook Comments
            U Faaidee qof kale

            By Asma Ismail

            Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.