Thyroid ka waa qanjidh ku yaala cunaha kaas oo shaqadiisu tahay ina Hormone ka TSH ( thyroid stimulating hormone) uu soo saaro. 

Hormonka TSH shaqooyinka jidhka u u hayo waxa ka mida:

  • Ka qayb qaadashada burburinta cuntada marka la shiidayo. 
  • Waxa uu ka qayb qaataa kartaa burburinta duxda ama baruurta. 
  • Caruurta, Hormonada thyroid ka waxa ay ka caawiyaan koriinka iyo xoojinta lafaha. 
  • Hormonada thyroid ka sidoo kale waxa uu saameeyaa dhiiga caadada iyo uurka. 
  • Sidoo kale waxa ay muhiim u yahiin koriinka iyo kobcinta maskaxda, yaraanshaha hormonada thyroidka waxa uu keeni karaa xasuusta oo yaraata, caajis iyo hurdo la’aan. 

Macdanaha iyo Fitaminada Muhiim ka shaqada qanjidhka thyroidka:

1. Iodine 

Iodine ta waa macdan lagama maarmaan u ah soo saarista hormonada thyroid ka, yaraanshaha Iodine tu waa sababta koobaad ee keenta hypothyroidism ka. 

Cuntooyinka laga helo waxa ka mida: 

  • Milixda Iodine lagu daro – waxa jirta milixyada qaar lagu daro iodine taas oo cuntada dusha lagaga daro, isticmaalka milixdaas waa il fudud oo aad ka heli kartid iodine. 
  • Kalluunka
  • Caanaha
  • Beedka
  • Hilibka Lo’da. 

2. Selenium

Salenium waa macdanka oo muhiim u ah qanjidhka thyroidka,

Cuntooyin ka laga helo salenium ka waxa ka mida: 

  • Cuntooyinka badda sida kalluunka
  • Tuna ( kulluunka qasaacadaha) 
  • Hilibka cas 
  • Brazilian nuts – waa nooc lawska ka mida.

3. Fitamin D 

Dadka inta badan hormoonka thyroidka uu ka yareedo sidoo kale waxa ka yar fitamin D ga. 

Fitaminka D ga waxa laga helaa cadceeda iyo cuntooyinka qaar sida kalluunka, beedka, hilibka cas, iyo beerka.

4. Zinc 

Zinc waxa u muhiim u yahay soo saarista hormoonada thyroidka, iyo koriinka jidhka. 

Cuntada zinc kiga laga helo waxa ka mida: 

  • Hilibka 
  • Lawska 
  • Beedka
  • Baradhada

5. Iron (Feero)

Iron ta cuntooyinka laga helo waxa ka mida hilibka, beans ka, misirka, iyo broccoli.

Fiiro gaara : In kasta oo nafaqooyinka iyo cuntooyinka kor ku xusan dhamaan ay taageeraan shaqada qanjidhka thyroidk, balse marka uu thyroidka shaqadiisu yaraato waxa laga yaabaa ina loo baahdo kaabis dheeraad ah.

Akhris Dheeraad ah: Vitamin D – Faaidooyinka Iyo Calaamadaha Imaada Marka Uu Yaraado

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.